Yaa ku horeeya wareega koobaad ee Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug 

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad goboleedka Galmudug ay ku tartamayeen ilaa shan Musharax.

Wareega koobaad ee doorashada ayaa waxaa wada hogaaminaya Musharax Cabdi Qani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo wada helay min 26-cod ,halka Musharaxa sadexaad Maxamed Xaashi Carabey uu helay 12-cod.

Labada Musharax kale ee kala ah Saadaq Cabdullaahi Xaashi oo helay 7-cod iyo Musharax Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) oo helay 6 cod.

Waxaana wareega labaad ee Doorashada usoo gudbay afarta Musharax ee ugu codadka badan , waxaana wareega koobaad ku haray Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) oo helay 6 cod.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -