AMISOM oo la wareegtay xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa si buuxda ula wareegay amaanka xarunta ay saakay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada ayaa la filayaa in ay ka dhacdo xarunta Shiirkolle oo horey loogu qabtay doorashadii Gudoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug sidoo kale ah xarunta KMG ah ay ku shiraan Baarlamaanka.

Ciidamada AMISOM oo gaadiidka dagaalka ku gaashaamaan ayaana la wareegay xarunta ay Doorashada ka dhaceyso, waxa ay sidoo kale ciidamada joogaan aaga ku dhaw xarunta doorashada.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyay qeybo badan oo kamid ah magaalada dhuusomareeb, waxa ayna ciidamada ku jiraan feejignaan dheeraad ah iyagoona xiray wadooyin badan oo magaalada dhax mara.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada si weyn looga dareemayaa doorashada maanta ka dhaceysa ee lagu dooranayo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -