Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni iyo Wafdiga la socda oo Muqdisho isku Xog wareestay (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.
 
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yeeshay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida  Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
 
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wafdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka Diqmuraadiyadda, dib-u-habeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka Maaliyadda, saameynta dhaqaale ee Covid19, arrimaha horumarineed ee Gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn iyo saameynta Ayuxu u geystay daaqa iyo beeraha.

Related posts

Sheekh Shariif oo Cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Al Shabaab codsi muhiim ahna diray

Cabdi Cade

Gudoomiye Caanaboore oo shir gudoomiyay kulan looga hadlay arimo Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo shaacisay in Diyaarado nuuca Drons ah lagu soo weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---