Ciidamada booliiska Soomaaliya oo si weyn u hubeysnaa ayaa saakay ku jarmaaday xaafada Dabdamiska ee magaalada Muqdisho, waxaana saakay halkaasi si qasab ah looga raray looga burburiyay guryahooda dadkii deganaa.
Shacabka xaafadaasi degan oo intooda badan hurdo ku jiray ayaa albaabada loogu garaacay, waxaana lagu wargaliyay in carruurta iyo alaabaha ay kala bixi karaan guryaha kala baxaan, waxaana markaasi kaddib guryaha la galiyay baldoosar burburin ku bilaabay.
Dadkii saakay xoogga looga saaray xaafada Dabdamiska qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la gaaday oo guryaha loogu soo galay iyaga oo hurda, waxa ayna sheegeen sida ciidamada ammaanka ula dhaqmeyn aysan aheyn wax fiican.
” Annaga oo hurudna ayey ciidanka na dul yimaadeen oo guryaha xoog nooga saareyn kaddibna dumiyeen, booliiska annaha oo soo jeedna guryaheena nagama baxsan laheyn , balse hurdada ayey nagu gaadeen ” ayuu yiri mid kamid ah dadkii deganaa Dabdamiska.
Hooyooyin kamid ahaa dadka la barakiciyay ayaa habaar ula istaagay madaxda dowladda iyo taliska ciidanka, waxa ayna sheegeen in ay yihiin hooyooyin raggii qabay iyaga oo askar ah dagaal lagu dilay wiilashoodana hubka u sidaan dowladda, iyagana sidaa fooshaxun loola dhaqmay.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku fashilantay qorshe dadka looga saari lahaa dhulkan oo booliisku leeyahay, waxaana ugu dambeyn booliiska u suurto gashay in dadkii deganaa xaafadaasi saakay si awood ah uga aaraan kana bur buriyaan guryihii ay degnaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.