Daawo Sawirada: Soomaali badan oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo saakay Muqdisho la keenay

Waxaa saakay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday dad ka badan 150-qof oo Soomaali ah kuwaa oo ku dhibaateesnaa Gudaha dalka Liibiya.

Dadka Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo laabtay ayaa u badnaa dhalinyaro in mudo ah ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo kuyaala dalka Liibiya, kadib markii ay ku guul dareesteen in ay dalkaasi uga sii gudbaan Qaarada Yurub

Xabsiyada dalka Liibiya waxaa wali ku xiran Soomaali badan kuwaa oo qaarkood xiran yihiin sanado badan, waxaana dadkan Soomaaliyeed dhibaatooyin badan ku heesataa xabsiyada iyo qeybo kale oo Liibiya kamid ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo kamid ah Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee ka shaqeeyay sii deynta dhalinyradan ayaa sheegay in ay isdiiwaan galiyeen 300-qof oo dalka dib loogu soo celinayo.

Waxa uu sheegay Cali Fiqi in saakay magaalada Muqdisho kusoo celiyeen 151- qof oo kamid ahaa dadkii isku diiwaan galiyay in dalkooda kusoo laabtaan, waxa uuna xusay in kuwa kale ee haray iyana lasoo celinayo dhawaan.

Dhalinaradan Saakay magaalada Muqdisho la keenay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay diif xun , dhalinyaradan ayaana ahaa kuwa ku faraxsanaa in dalkooda kusoo laabtaan .

Dowlada Soomaaliya ayaa horey Muqdisho ugu soo celisay dad laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya, waxaana wali jira dhalinyaro badan oo ku xiran Xabsiyada Liibiya oo diidan in dalka lagu soo celiyo kuwaa oo wali raja ka qaba in dalkaasi Yurub kasii galaan.

Liibiya ayaa noqotay meel lagu dhibaateeyo dhalinta Soomaaliyeed ee dalka ka carartay doonayana in Yurub nolol u raadsadaan, waxaana dhibaatada ugu daran geesta kooxaha loo yaqaan Magafayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -