Xildhibaanada Galmudug oo hal arin Darteed aan ugu farxsaneyn Doorashada Dhaceysa !(Ogow)

Sida ay horey u shaaciyeen guddiga Qaban qaabada Doorashada waxaa maalinta khamiista ee ku beegan 30-ka bishan Janaayo magaalada Dhuusomareeb ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Doorashada ayaa hada noqotay mid ka duwan sidii horey loo filiyay, waxaana doorashada shaaciyay in aysan ka qeyb galeyn Musharaxiin afar gaareysa oo u badan kuwa siyaasad ahaan dowlada kasoo horjeeda horeyna isbaheysi u sameestay.

Ilaa hada Waxaa doorashada Madaxweynaha isku diiwaan galiyay labo musharax haba yaraatee aan wax saameyn ah laheyn, waxaana maanta la filayaa in uu isdiiwaan galiyo musharaxa loo saadaalinayo in uu noqdo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooq Qoor.

Xildhibaanada Galmudug ayaa hada u muuqda kuwa badankood ka niyad jabsan doorashada dhaceysa ,waxa ayna Xildhibaanada horey ugu xisaabtamayeen in doorashada noqoto mid loolal adag lagu galo kana helaan dhaqaale aad u badan.

Maadaama Musharaxiinta mucaaradka aysan ka qeyb galeyn doorashada dhaceysa waxaa meesha ka baxaya lacagihii ay ka heli lahaayeen Musharaxiinta mucaaradka ah, waxaa sidoo kale hoos u dhacaya dhaqaalaha laga yaabo in ay ka helaan musharaxiinta taagan.

Xildhibaanada ayaana ka niyad jabsan in meesha ka baxday ku tala galkoodii ahaa in dhaqaale badan ka helaan doorashada, waxaana xildhibaanada badankood mar horaba isku dhufsadeen lacagaha ay doorashasa ka helayaan iyo waxa ay ku qabsan doonaan.

Doorashada ayaa sida ay hada wax u socdaan hadii loo wajaho waxaa meesha ka baxaya xiisihii ay laheyd iyo sidoo kale dhaqaale Xildhibaanada Galmudug iyo dalaaliinta siyaasadeed ay ka heli lahaayeen doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -