Yaa lahaa Eeda Qaran Jabkii ku dhacay Soomaaliya iyo Dhibaatadii ka dhalatay ?

Subax jawigeedu cakiran yahay oo saadaasha laga bixiyaana ay u badan tahay in Jaalle Siyaad uu isaga baxo aqalka Villa Somalia – kaddib laba toddobaad oo dagaallo joogto ahi ka dhex socdeen gudaha caasimadda Muqdisho ayaa xukunkii 21 jirsaday hoggaamiyaheedii ku qasbay inuu cagta saaro waddada xiriirisa Xamar iyo Afgooye.

Gu’yaal is cirbinaya ayaa kasoo wareegtay dhacdadaas oo dad badan oo waagii ay dhaceysay la aheyd af-genbi dhiig ku daatay oo lamid ah kuwa kale ee Qaaradda Afrika ka dhaca. Balse in yar dabadeed, qofna maanu fileyn inay dhacdadaas saameyn doonto masiirka labada jiil ee soo aadan.

Hayeeshe, xaqiiqdu waa lagama hiishaane, waxay raadeysay mustaqbalkeenna. Waxaa intaas dheer, inay beddeshay geeddi-socodka sooyaaleed ee nolosheennii ceyriinka aheyd ee magaalo-joognimada.

Wixii dhacay 29 sanno kahor maanta oo kale, waxaa loo adeegsaday erey walba oo suurad-xun iyo Ayaan-darran sita. Si is la’eg dhammaanteen kuwii garaad lahaa; gurboodkii dharabta ku jiray iyo gabowgii naawilyay inuu maalmaha danbeedda ah ee noloshiisa ku qaato neecaw qabow iyo niyadsami ayuu af-genbigaas si ba’an u raadeeyey ciribtooda danbe.

Anigu waxaan ahaa sannad jir xaafadda Xamar Bile aabihiis oo markaas ahaa shaqaale dowladeed, hooyadiis iyo laba walaalihiisa kula nool. Hayeeshe, wax walba oo lagu sifeyn karo halaagii berigaas dhacay waxaan ka tusaaleyn karaa noloshayda. Waxaa aqoon ku noqday laba jir xubeer ah oo adduunkii aabihii lahaa laga biliqaystay. Waxaan barakac ahaa dhowr sanno. Waxaan waayihii xigay maalmahaas usoo joogay ayaamo kale oo lahasho xun. Waxaan ku qaan-gaaray qalalaase, sharci qof kasta gacmihiisa ku sito iyo xaalad quus iyo yididiilo u dhaxeysa. Waxaan si fool xun u dhadhamiyay xanuunka ay leedahay fara-gelinta shisheeyaha oo caasimaddii ay hooyaday igu dhashay inta lagu soo duulay lagu dhex dilay.

Taas waa sheekada dhallaankii barakacaha noqday.

Ma aqaan nasiibka ugu weyn oo qofka ila midka ahi ee dunida kale ku nool uu ku naaloodo. Balse nasiibkaygu waa inaan u tusaale nool u ahay wixii dhacay iyo sidii looga samata-baxay.

Waxayse in badan la tahay shalay un taariikh 30 sanno kusii socota. Inta u dhaxeysay maanta iyo maalintaas, waxaa ku sugan qisooyin murugo iyo caloolyow badan.

Waxaa aqoontoobay carruur badan; asaay xirtay haween badan; iilka ugu hoyday halyey dirac ah iyo gabood-fale godobtuu ka tagay ilaa maanta lala diihaalsan yahay. Jaad kasta oo kamid ah musiibooyinka isugu jira qaraxyada, isbaarooyinka, dilka rayidka, dhaca iyo bililiqada waxaa dib loogu celinayaa maalintaas. Waxaana sababtooda si siman u wada qaadaya diiratadii hubeysneyd ee Mucaaradka sida USC iyo Kacaankii lagu hungoobay.

Micno malahan sida dhinacyadii is hayay maalintaas ay waddo kasta oo suura-gal ah ugu adeegsadeen si ay yoolkooda u gaaraan, runtu waxay tahay dhibta ugu badan waxay gaartay rayidkii waagaas iyo innagii ka danbeynay.

Maqabo inay jirtay sabab muuqata oo lagu baajin karay wixii dhacay. Waayo labada dhinacba – iyagoon sii jeedaalin wax ka ratibmi kara loolanka ka dhex jira ayay naf iyo maalba ugu hureen guushoodii dhiciska aheyd. Waxayna usii haliilayeen ilaa ay gunteeda soo taabtaan. Hayeeshe innaga iyo iyaguba – USC iyo Kacaanka – dhammaaadka hardaankaasi uguma tagin dhawaaq farxad leh; dhiillo mooyee.

Maanta oo kale hal su’aal ayaa mudan inaan si waddaniyad leh isku weydiino dhammaanteen – yaa leh eedda qaranjabkii dhacay?! Ma xukun jaceylkii darraa ee MSBarre oo ku dhisnaa jowrfalka, musuqmaasuqa, caburinta aragtida madaxa bannaan iyo keli-talisnimada muddada dheer?!

Mise waxaa leh xubnaha Kooxihii mucaaradka ugu tunka weynaa ee iyagoon laheyn qaddiyad muuqata hubka u qaatay in Kacaanka dartiis ay qarannimadeenna u burburiyaan?!

Haddii si siman looga garnaqsado, waxay dib u sixi doontaa taariikhdeennii duugowday.

Innagoo u nool taariikh werinta wixii berigaas dhacay, waxaan hubaa jiilka maanta ku qaangaaray inay sugeyso mas’uuliyad ka guda-ballaaran asaagooda ku nool dunida kale. Waayo waxaa waajib na saaran ah in – innaga oo wax ka baranayna qaladkii shalay – aan timaadada beritto ah jiilka innaga danbeeya u diyaarino duni ay u qalmaan inay ku noolaadaan.

Marka xigtana, waxaan lama huraan ah in burburkii dhacay aan sababteeda cidna gaar loogu yeelin. Sida ay qasab noogu tahay inaan dusha ugu ridano mas’uuliyadda maanta, waxaa sidoo kale feersoconaysa inaan wada qaadano eedda gefkii shalay dhacay. Eedaha qolaba ay qolo kale dusha uga tuurayso dhaleecada wixii qaldamay waxay u muuqdaan madhaleys aan soo kordhinayn isku-soo-dhawaansho.

Aan maanta oo kale u aragno fursad aan gedigeen dib ugu baraarujin karno caqligeenna jiifa si aan u toosino damiirkeennii dhintay 1991-kii.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -