Masaajidda kuyaala UK qaarkood oo bilaabay olole ay dad badan soo dhaweeyeen

Mahad waxaa loo celinayaa koox Muslimiin ah oo fadhigeedu yahay Birmingham kuwaas oo gabbaad siinaya darbi-jiifta aan heysan gogol diirran iyo cunno ay kaga gaashaantaan qabowga daran ee kulaalaya.

Mashruuca “Our Masjids with the Homeless” oo waa miraha ka dhashay iskaashiga labada naadi oo Muslimiin ah kuwaas oo iskaga yimid xal-u-helidda dhibaatada heysata darbi-jiifta.

Dhowr Masaajid ayaa bilaabay inay goor hore soo dhaweyn fiican u sameeyaan darbi-jiifta xilliga uu jiro qabow ba’an. Masjidka Green Lane oo ku yaal  magaalada Birmingham ayaana kamid ah.

Muslimiinta ayaa safka hore kaga jira taakuleynta iyo gargaar u fidinta dadka dibjirta ah kuwaas oo gidaarrada kula hoyda gaajada iyo qabowga, waxaana ololahan soo dhaweeyay dadyoow kala duwan oo ku tilmaamay tilaabo soo dhaweyn mudan.

Masjidka ugu qadiimsan dalka Kanada ayaa sidoo kale xusid mudan inuu albaada u furay dadka darbi-jiifta aan heysan meel ay gabaad kaga galaan qabowga daran ee xiliyada qaar halkaasi ka jira,.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -