Iska horimaad caawa ka dhacay deg. Xamar-Weyne iyo Khasaare ka dhashay

Iska horimaad khasaare nafeed geystay ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa ka dhacay wadada Via-Roma gaar ahaan agagaarka xarunta Maamulka degmada Xamar-weyne markii ay fooda is dareen rag hubeysan iyo ciidamo uu watay sarkaal ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida oo degan guri halkaas ku yaalla.

Intii uu iska horimaadku socday ayaa ciidamada dowladu waxay toogasho ku dileen nin bastoolad ku hubeysnaa oo ay ka shakiyeen, kaasoo markii dambe la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dharcada ah ee nabad sugida Somalia.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamadu ay ninka ku amreen inuu joogsado, balse ay toogteen markii uu ka madax adeygay amarkooda, iskana soo jaray bastoolad uu ku hubeysanaa, waxaana dilka ka dib yimid goobta ciidamo ka tirsan NISA oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Socodka iyo gaadiidka ee nawaaxiga wadada Via Roma ayaa guud ahaan caawa joogsaday, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga ka dib markii uu saameeyey iska horimaadka halkaas ka dhacay oo illaa hadda aysan wax faahfaahin ka bixin laamaha amaanka iyo maamulka degmada Xamar-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -