Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayey wararku sheegayaan inuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo ay wateen ciidamo ka tirsan DF.

Goob-joogayaal ayaa ku waramay in gaarigan uu qarxay xili uu marayey wadada isku xirta Xoosh iyo Ex-control afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo askari oo la socday gaarigan ayaa la sheegay iney ku dhinteen qaraxa, waxaana rasaas furay qaraxa ka dib ciidamo ka tirsan DF oo goobtaas ka dhowaa kuwaasoo muddo kooban wadada xiray.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha amaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley oo ku saabsan qaraxan oo qeyb ka ah falalka amaan daro ee mararka qaarkood ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -