(Sawirro) Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Galmudug oo mar kale xilkaas isku soo taagay

Guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyey Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Galmudug ayaa markii labaad u taagan xilkan, isagoo ku-xigeeno u ahaa Madaxweyneyaashii soo maray maamulkaas ee kala ahaa C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Carabey ayaa lagu xusuustaa inuu qeyb ka ahaa khilaafkii xooganaa ee ragaadiyey Maamulkii Madaxweyne Xaaf, kaasoo sababay in maamulkaas uu noqdo labo garab oo kala fadhiya dhuusamareeb iyo cadaado isagoo ugu dambeyna burburay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxnimada Maxamed Xaashi Carabey ay gadaal ka riixeyso dowlada Somalia gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo ay ka soo wada jeedaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -