Dil dad badan ka argagaxeen oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

Waxaa caawa magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle gaar ahaan laanta Faanoole ee xaafada Horseed ka dhacay dil ay aad uga argagxeen dadka deegaanka ,kadib markii Aabe halkaasi ku dilay wiil uu dhalay.

Sida aan wararka ku helnay Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa dil aad looga naxay u geestay wiilkiisa curudka ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cusmaan Ibraahim oo 14-sano jir ahaa.

Aabahan ayaa dilka wiilkiisa yar u adeegsaday mindi, walina lama oga sababta ka dambeysay in aabahan dilo wiilkiisa, waxaana baxsaday oo ciidamada amaanka baadi goob ugu jiraan aabaha dilka u geesteen Wiilkiisa.

Dilkan ayaa noqday mid aad uga argagaxee dadka ku dhaqan magaalada jowhar gaar ahaan xaafada uu dilku ka dhacay, waxa ayna arintan abuurtay hadal heyn badan iyadoona dadku isweediinayaan waxa aabahan ku kalifay dilka wiiliisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -