Allbanaadir.com
NEWS

Heshiisyo Soomaaliya la gashay Dalalka Rwanda iyo Turkiga oo la meel mariyay (Daawo Sawirada)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Shir Magaalada Garowe uga furmaya Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Amaro lagu soo rogay Gaadiidka isticmaala Wadooyinka Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---