Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shir Magaalada Garowe uga furmaya Madaxda dowlad goboleedyada

Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka qaarkood ayaa lagu wadaa inuu manta shir uga furmo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland

Shirkan oo marar badan dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo magaalada Garowe, isagoo uu socon doono 20-23-ka bishan Oktoobar.

Waxaa ka qeyb galaya afar madaxweyne oo kala ah Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara magaalada Garowe, waxaana wararku sheegayaan in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada laga saaray maamulka Hirshabelle, kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya.

Boorka shirka Garowe ee Golaha maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka muuqda afarta madaxweyne ee Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, waxaana la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu shirkooda ka soo saaraan go’aano kuwii hore ka adadag oo ay ka qaadanayaan dowlada dhexe oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo saxiixday Heshiiska 𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐥𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐀𝐠𝐫𝐢𝐜𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dhoobley

Cabdi Cade
Taboola Ads ---