Dil & kufsi naxdin iyo argagax leh oo ka dhacay gobolka Madhya Pradesh (Daawo Sawirro)

Gabar lix bilood jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya, falkaasoo noqonaya kii ugu dambeeyay falal taxana aha oo kufsi loogu geystay caruur badan oo dalkaasi ku sugan.

Jismiga ilmahan yar oo wadda dhiig ah ayaa laga helay qeybta hoose ee dukaan ku yaalla magaalada Indore ee dalkaasi.

Ilmaha yar ayaa xiligii la afduubanayay waxay la jiiftay waalidkeed laamiga, kuwaasoo ka mid aha dadka hoy la’aanta ku ah Hindiya.

Dibadbaxyo ayaa ka soconayay dhawaanahan guud ahaan dalka Hindiya, kaddib markii ay kordheen kiisaska caruurta la kufsado.

Ra’isal wasaaraha Hindiya Narendra Modi, ayaa la filayaa inuu gudoomiyo maanta kulanka golaha wasiiradda oo looga baaraan degayo hindisa sharciyadeed lagu soo bandhigayo ciqaabta dilka ee ka dhanka ah falalka kufsiga.

Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa muujiyay in ku dhawaad 19 kun oo kiisas kufsi ah la diiwaangaliyay sanadkii 2016 keliya, tiradaasoo ka badan tii la diiwaangaliyay 20015-ki.

Dawladda Hindiya ayaa dhawaan xoojisay sharciyada lagula dagaallamo xadgubyada dhinaca galmada kaddib markii ay dhaceen dhowr kufsi oo warbaahinta dunida ay si weyn ugu hadashay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -