Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidanka Danab oo degaano ka tirsan J/hoose kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgalo saacadihii ugu dambeeyey ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen xubno ka tirsan al-shabaab kuna qabsadeen degaano cusub.

Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa sheegay inay howlgalka ku dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada ay la wareegeen degaano cusub oo ay ka mid yihiin Malaayley, Janaale Gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.

“Howlgalka intii uu socday 9 miino ayaan soo saarnay waana sii wadi doonaan howlgalka inta aan Al-Shabaab ka saarayno degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka” ayuu yiri taliye Ciraaqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka taagan Boosaaso iyo taliska Booliska G/Bari oo amar cusub oo soo saaray

Caydiid Ali

Dagaal caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamsa oo Khudbad uu arrimo Xasaasi ah uga hadlay ka jeediyay madasha Tana Forum (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---