Dagaal caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa caawa xiligii salaada maqrib ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan dowlada iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii kooxo hubeysan ay gantaalaha garabka laga rido iyo hub kale ku weerareen ciidamo ka tirsan dowlada oo fariisin ku leh  nawaaxiga isgoyska SOS.

Ciidamada dowlada ayaa ku jawaabay rasaas fara badan oo ay ooda ka qaadeen, waxaana halkaas ka bilowday dagaal labada dhinac u dhexeeya oo khal khal ku abuuray shacabka degaankaas ku nool.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku uu sababay in  dadku ay ka kala cararaan laamiga degaankaas dhexmara oo markii hore weerarku ka bilowday.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaaladan oo aan aheyn kuwii ugu horeeyey noocooda ee halkaas ka dhaca.

Waxaa hadda degan xaalada degaankaas, iyadoo Ciidamada dowlada la soo sheegayo iney wadaan baaritaano, waxayna gudaha u galeen xaafado halkaas ku yaala oo ay u baxsadeen kooxihii soo weeraray.

Laamaha amaanka dowlada iyo maamulka degmada Heliwaa ee gobolka banaadir ayaan ka hadlin iska horimaadkan, balse degmada Heliwaa ayaa aya waxaa la aaminsan yahay iney tahay meel ay gabaad ka dhigtaan kooxo ka tirsan al-shabaab oo halkaas iska soo abaabula.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -