Wasiir katirsan Xukuumada Kheyre oo shaaciyay in Handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub ee Galmudug

Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Wehliye Faarax oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in cadaadis iyo handadaad lagu hayo xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Wasiirka oo u sharaxn xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay masuuliyiin katirsan dowlada faragalin ku hayaan doorashada sidoo kale cadaadis saareen Xildhibaanada Galmudug ee dhawaan la dhaariyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Xildhibaanada Galmudug lagu amray in aysan la kulmi karin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono Xildhibaankii la kulma Musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda wadato.

Wasiir Wehliye ayaa ku eedeyay xukuumada uu katirsan yahay in dhibaato iyo faragalin qaawan ku heyso doorashada Galmudug, waxa uuna sheegay hadii aan faragalinta la joojin in dhibaato ay ka dhalan karto.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirkan katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili la filayo in magaalada dhuusomareeb dhawaan ka dhacaan doorashooyinka gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -