Shabakada Allbanaadir Online oo codbixin sahan ah ka sameysay doorashada Galmudug

Iyadoo dhowaan la filayo in magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa shabakada Allbanaadir Online oo arintaas ka duuleysa waxay baraha bulshada ka sameysay cod-bixin sahan iyo ra’yi ururin ah oo lagu ogaanayey musharaxa ay dadku jeclaan lahaayeen inuu ku soo baxo doorashada aadka loo wada sugayo.

Xilka Madaxweynaha Galmudug oo ay isku soo taageen musharaxiin fara badan ayaa shabakadu waxay xooga saartay kuwa ugu cad cad ee la filayo inuu loolanka ugu adag dhexmaro.

Codeynta sahanka ah oo lagu soo bandhigay barta ay facebook ku leedahay shabakada Allbanaadir Online ayaa waxay shabakadu tartankii ugu horeeyey u qabatay labada musharax ee kala ah Kamal Guutaale iyo C/raxmaan Tuuryare, waxaana codeyntan sahanka oo dad badan ay ka qeyb qaateen ku guuleystay C/raxmaan Tuuryare oo helay %56 halka Kamal Gutale uu helay %44 codadkii la dhiibtay.

C/raxmaan Odowaa iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayey shabakadu cod-bixin kale oo sahan ah u qabatay, waxaana ku soo baxay Qoor-qoor oo helay %58, halka Odowaa uu keenay %42.

Shabakada Allbanaadir online ayaa mar kale dadweynaha u bandhigtay sahan ah midka ay codkooda siin lahaayeen C/raxmaan Tuuryare iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo iskugu soo haray finalka codeynta, waxaana %56 ku guuleystay C/raxmaan Tuuryare, halka Qoor-qoor uu keenay %44 sida codeynta sahanka ah ay muujisay.

Codeyntan waa mid ka madax baxaan allbanaadir online oo dadku ay si xor ah coddadkooda uga dhiibanayeen barta facebook, iyagoo calaamad saarayey musharaxa ay doonayaan, ma ahayn mid rasmi ah, kaliya waa mid sahan ah oo lagu ogaanayey musharaxa ay shacabku jeclaan lahaayeen inuu hogaamiyo Galmudug, natiijada iyo go’aanka ugu dambeeya ee doorashada waxaa uu gacantooda ku jiraa Xildhibaanada baarlamanka Galmudug, shacabkuna wax door ah  kuma laha haba yaraatee.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -