Muwaadiniin u dhashay dalka Sacuudiga oo laga soo eryey Maraykanka

Mareykanka ayaa dalkiisa ka eryey 21 askari oo ka tirsanaa ciidanka Sacuudiga ee dalkaas lagu tababara.

Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah.

Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah ka dib baaritaan lagu sameeyey.

17 kamid ah askarta la eryay ayaa la sheegay in lagu arkay caddeymo muujinaya in baraha intarnetka ay ka daalaacdaan waxyaaba la xiriiro argagixisada.

Dhamaan 21-ka askari waxaa laga saaray liiska tababarka, waxayna dib ugu laabanayaan dalkooda, tillaabadan ayaa ah mid ay iska kaashadeen Sacuudiga iyo FBI-da.

Inkastoo 21-kan askari laga eryay Mareykanka, haddana wax dembi ah laguma soo oogin sida u sheegay xeer ilaaliyaha Maraykanka, waxaana weli tababarka sii wadan doona 850 askari oo katirsan ciidanka milateriga ee Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa fal aragagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -