Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Cali Guudslaawe Xuseen, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qeyb galka shirka arimaha doorashada Soomaaliya looga hadlayo uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaa horey Muqdisho u joogay Madaxweyne Laftagareen.
Waxaa sidoo kale la filayaa magaalada Muqdisho in ay soo gaaraan Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland kuwaa oo iyana la filayo in ay kasoo qeyb galaan shirka uu iclaamiyay Farmaajo.
Imaanshaha Muqdisho ee Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kusoo aaday xili caasimada ay ka jirto khalalaase ayna xalay iyo maanta ka dhaceen rabshado u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo ciidamo taageersan Musharaxiinta.
Dowlada Soomaaliya ayaa awood ciidan u adeegsaday banaan baxyo waa weyn oo la filayay in maanta magaalada Muqdisho ka sameeyaan taageerayaasha Musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com