Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Alberak .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira howllaha socda ka dhageystay Wasaaradda iyo maamulka dekedda, waxayna warbixin guud ka dhiibeen adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan isbadallada horumarineed ee qeybaha dekedda lagu sameynayo.

Eng. Rooble ayaa soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee dekedda, waxuna boggaadiyey shaqada socota ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo.

Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Related posts

(Akhriso) Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Mid ka mid ah Wasaaradaha Puntland

Caydiid Ali

Maamulka G/Hiiraan oo War cusub ka soo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab

Caydiid Ali

Maxbuus ku dhax geeriyooday Xabsiga Dhaxe ee Xamar kadib markii la Ciqaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---