Wasiir Fiqi oo qaaday talaabo lagu dhiirigelinayo ciidamada xasilinta caasimada (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al Cadaala ayaa caawa ciidanka Xasillinta Caasimadda kula afuray duleedka Muqdisho.

Waxaa sidoo kulankaas afurka aha qeyb ka ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Fanax iyo masuuliyiin kale.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ku amaanay ciidamada amaanka sida ay ugu dedaalayaan sugida amniga caasimada xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY FIQI KULANKAAS KA DIB

Ciidamadeena xasilinta caasimadda waxay ku astaysan yihiin soo celinta amniga caasimadda sanadkii labaad, waxayna hadda hawlgalkoodii u rareen hareeraha caasimadda.

Sharaf bay Inoo ahayd galabtey in aan geesiyaasha ciidamada xasilinta caasimadda aan kula afurno duleedka caasimadda MUQDISHO ayagoo waajibaadkooda qaran gudanaya.

Ciidmadeena mujaahidiinta ah waxay mudan yihiin dhiiragelin iyo u mahadcelin, waxay hayaan shaqo qaran tan ugu weyn, dhafar, dhaxan iyo cadceedba waxay ugu jiraan difaaca dadkooda.

- Advertisement -