Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo xilal u magacaabay Taliye ciidan & Masuuliyiin kale (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

“Madaxweynaha Puntland Markuu arkay Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad, Markuu arkay Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool, Markuu arkay Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo, Markuu Tixgeliyey Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Wuxuu G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool” ayuu lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto kale ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo Waxaa uu Abdirisaaq Warsame Seeraar u magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland, isagoo Anisa Cabdiraxmaan Maxamedna u magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Weerar ka dhacay Degmada Kaaraan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---