Soomaali ku rafaadsan Xabsi ku yaalla dalka Iran oo qeylo-dhaan soo diray

Koox dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Iran ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ku heysta xabsiga ay ku jiraan.

Dhalinyaradan oo la soo xiriiray Shabakadda Allbanaadir Online ayaa sheegay in sanad ka hor ciidamada Iran ay ka qabteen xadka dalkaas uu la wadaago Turkiga xili ay isku dayayeen iney tahriib ku galaan Turkey.

“Waxaan ka kooban nahay 8 qof oo iskugu jira shan nin iyo saddex haween ah, Maxkamad nalama geyn, xarig aan la garaneynin waxa uu yahay ayaan iska xirannahay, waxaa xabsiga nagu heysta dhibaatooyin nolol xumo oo aan la soo koobi Karin sida jiifka iyo cuntada oo aad u liidata, nadaafad daro, dawo la’aan iwm” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada halkaas ku xiran.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa sheegay iney xabsiga ku xanuunsanayaan, ayna la ildaran yihiin cuduro kala duwan oo ay ka qaadeen duruufaha xabsiga ka jira, iyagoo xusay ineysan helin daryeel caafimaad iyo dawooyin,

Waxay tilmamaeen in xaalada ka jirta xabsiga ay tahay mid aad u adag, aysana jirin safaarad Soomaaliyeed oo u dooda, maadaama labada dal aysan laheyn xiriir diblomaasiyadeed.

“Waxaan si naxariis leh uga codsaneynaa dowladeena Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre iney arinteena wax ka qabtaan kana shaqeeyaan sidii aanu mar kale dib ugu soo laaban laheyn dalkeena hooyo, kana damqadaan silica iyo rafaadka nagu heysta xabsiga” ayuu yiri mid ka mid ah Maxaabiistan.

F.G: Kala xiriir dhalinyaradan cinwaanada hoos ku qoran
Whatsapp +989035268211
E-mail: kosmakaafi143@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -