Farmaajo iyo Kheyre oo la sheegay in Siyaasad Ismiidaamin ah ka wadaan Dhuusomareeb

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku dhaliilay Dowlada federaalka Soomaaliya uu sheegay in faragalin qaawan ku heyso arimaha Galmudug gaar ahaan Doorashada.

Xaaf ayaa ku eedeeyay Dowlada federaalka iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka in carqaladeyn ku hayaan maamulka Galmudug uu hogaamiyo, waxa uuna sheegay in ay abuurayaan carqalad iyo xiisad.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Xaaf Odayaasha ku xareesan magaalada Dhuusomareeb ee soo xulaya Xildhibaanada Galmudug in aysan xaalada uga sii darin horseedna u noqon in beelaha dega Galmudug kala tagaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale Sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre Siyaasad uu ku tilmaamay ismiidaamin ay kawadaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Madaxweyne Xaaf 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -