Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Erik Lundberg? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, si gaar ah Puntland iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda Finland ka taageerto, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahad celiyey dowlada Finland mashaariicda ay ka wado Somalia gaar ahaan degaanada Puntland, isagoo ugu baaqay iney soo xoojiso.

Safiirka Finland ee Soomaaliya Erik Lundberg ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka Puntland horumarka ay ku talaabsadeen gaar ahaan dhinacyada amaanka, iyo horumarka, wuxuuna balan-qaaday in dowladiisa ay xoojin doonto taageerada ay siiso Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -