Masuuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Somalia ayaa la xaqiijiyey iney ka mid noqdeen dhowr qof oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay qarax loo adeegsaday gaari miineysan oo maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimihii maamulka iyo Maaliyada ee Wasaarada haweenka xukuumada Somalia Bile Ismaaciil ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa maanta.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, kaasoo la dhigay isbitaalka Digfeer oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Gaadiid ay wateen masuuliyiintan ayuu qaraxu ku qabsaday kontrolka sayidka oo ka mid ah kontrolada laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Somalia xili ay saf ugu jireen in la hubiyo aqoonsigooda si ay halkaas uga gudbaan.

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhintay qaraxan halka lix kale ay ku dhaawacmean sida uu sheegay afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo la hadlay saxaafada inkastoo uu sheegin dhimashada iyo dhaawaca masuuliyiintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -