Yaa amray Magacaabida guddiga qaban-qaabada Xuska maalmaha Xoriyadda?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee uu magacaabay dhowaan RW Khayre.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka warbixiyay howlaha guddiga isagoo sheegay in sannadkan xuska uu ka weynaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore.

“Aragtida in guddigan la magacaabo xiligan waxay ka timid madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano guuradii Jamhuuriyadda Soomaaliya “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaangaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday” ayuu yiri wasiirka

Sidoo kale, Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu sidoo kale ku aaddan yahay, iyadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano.

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimid sanadkan 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaadaba, maanta halkan ayuu joogaa” ayuu intaas ku daray.

Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan.

Guddigan ayaa hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada ayaa waxaa dhaleeceeyey siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay inuu astaan u yahay qorshe xumada dowlada, maadaama aysan horey u dhicin in lix bilood ka hor la magacaabo guddiga qaban-qaabada maalmaha xoriyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -