Dowlada Maraykanka oo qiratay askar & xubno kale oo looga dilay weerarkii Camp Simba

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerar saaka dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ku galeen xerada milateriga Camp Simba oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Xeradan ayaa loogu talo galay in ciidamada Maraykanku ku tababaraan ciidanka la dagaalanka argagaxisada ah ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaarada AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in weerarkan lagu dilay hal askari oo Maraykan ah iyo labo ka mid ah qandaraaslayaasha Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka, laguna dhaawacay illaa labo askari oo kale, iyadoo aanla sheegin magacyadooda.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Militariga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerarkaasi Al-Shabab.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa yiri “Fikradeenna iyo quluubteena waxay la jiraan qoysaska iyo saaxiibada naftooda ku waayey weerarka maanta. waa inaan sidoo kale adkeynaa go’aankeena. Annaga oo kaashanayna saaxiibadeena Afrikaanka ah iyo kuwa caalamiga ahbakama hari doono kuwa mas’uul ka ah weerarkan oo doonaya inay waxyeeleeyaan danaha Mareykanka Waxaa naga go’an in aan ka hortagno al-Shabaab”.

Bayaanka ay Mareykanka soo saareen ayaa lagu xusay inuu jiro waxyeelo dhanka qalabka ah oo weerarkaasi ka dhashay ayna imika socoto qiimeynta arrintaasi,islamarkana faafaahinta dib laga soo sheegi doono.

Warkan ka soo baxay maraykanka ayaa khilaafsan Al-shabaab oo iyana sheegatay iney weerarka maanta ku dileen 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 Kenyan ah, ayna ku gubeen 7 dayuuradood iyo gaadiid ay lahaayeen ciidamada Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -