Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Gudoomiye cusub u magacaabay degmo katirsan gobolka Banaadir

Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Cabdicasiis.

Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ayaa loo magacaabay Mahdi Faarax Cabdulle, xilka Gudoomiyaha degmada ayaana dhoor bilood banaanaa waxaana ka geeriyootay Sabaax Cabdulaahi Asad oo kamid aheyd dadkii ku dhintay Qaraxii xarunta gobolka.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa faray masuuliyiinta degmada Cabdicasiis in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee degmada , waxaana la filayaa in dhawaan Gudoomiyaha cusub la wareego xilka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa dhawaan sidoo kale magacaabay Gudoomiyaasha degmooyinka Waabari iyo Shangaani oo iyana ka geeriyoodeen Gudoomiyaashoodii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad go’aan ka gaareysa kiis xiisad weyn & hadal heyn ka abuuray Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah oo muddo kooban la hakiyey & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo aagag cusub oo dagaal ka furay Gedo & Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---