Ciidanka DF oo aagag cusub oo dagaal ka furay Gedo & Wararkii u dambeeyey

Ciidamada dowlada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saaka degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay gacantooda soo galeen degaano kala duwan, iyadoo weli uu socdo howlgalka.

Ciidamada dawladda oo ka ruqaansaday degmada Baled-xaawo ayaa qabsaday degaanka Cara-caso, iyadoo xoogagii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa ay isaga baxeen

Wararka ayaa intaas ku daraya in Garbahaarrey Ciidan kasoo baxay ay ku wajahan yihiin degaanka Tuulo-barwaaqo, Sidoo kale Luuq & Buurdhuubo ayey ka baxeen ciidamada dawladda, iyagoo ku wajahan degaano ay Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ay haatan wado dowladda dhexe Soomaaliya oo kaashaneysa shacab hubeysan, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Somalia.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -