Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Sadex qof (Akhriso Magacyada)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay sadex nin oo ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in sadexda nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay u shaqeenayeen dowlada federaalka Soomaaliya ayna maleegayeen Shirqoolo.

Sadexda nin ee lagu toogtay fagaaraha Buq Aqable ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdu Qaadir Xasan Aadan oo 25 Jir ah, Cabdi Caziiz Axmed Maxamuud oo 28 Jir ah iyo Faarax Cali Jibriil oo 29 Jir ah.

Al Shabaab ayaana sheegtay in labo kamid ah ragan la toogtay u shaqeenayeen dowlada federaalka ayna maleegayeen shirqoolo la sheegay in laga fulin lahaa gobolka Hiiraan, halka ninka kalana lagu eedeeyay in uu ahaa askari katirsan ciidanka dowlada.

Maxkamadaha Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen dowlada federaalka, waxaana inta badan dadka la toogto lagu eedeeyaa in ay ahaayeen Jawaasiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -