Sacuudiga, UAE, Baxreyn iyo Masar oo dib u soo celiyey xiriirkii diblomaasi ee Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sacuudi Carabiya Amiir  Faisal bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay in si buuxda loo soo celiyay xiriirkii diblomaasi ee u dhaxeeyay Qatar iyo afarta waddan ee kala ah Sacuudiga, UAE, Baxreyn iyo Masar.

Dalalkan ayaa saddexdii sano ee u dambeeyay go’doominayay Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagaxisada, taasoo ay beenisay Qatar.

Arrintan ayaa timid ka dib shir madaxeedkii maanta uga furmay degaanka Al-ula ee dalka Sacuudiga madaxda dalalka Khaliijka, waxaana saddex sano ka dib booqday Sacuudiga amiirka dalka Qatar oo shirkaas ka qeyb galay.

Kuwait ayaa xalay sheegtay in Sacuudiga uu xudduudihiisa dhulka iyo badda u furay Qadar, taasoo soo afjareysa xiisaddii muddada dheer ka dhex aloosneyd Qadar iyo dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

Go’doomintii muddada saddexda sano iyo barka ahayd ayaa galaafatay dhaqaalaha Qadar iyo sidoo kale midnimadii Gacanka. Dadka Qadar ma cafin doonaan degdegna kuma illaabi doonaan waxa ay u arkaan dhabar ka toogasho ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -