Booliiska oo Muqdisho kusoo bandhigay nin fal laga naxay isaga oo geesanaya la duubay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin hubeesan oo dhawwaan muuqaal laga duubay, isaga oo garaacaya sidoo kale xabad ku ridaya dhallinyaro ciyaal weero ah.

Axmed Xasan Cilmi oo ahaa ninka laga duubay muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay si weyna dadka uga carroodeen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan wax dambi ah gelin, waxa uuna xusay in kaliya uu canaanayay ciyaal weeraro  dadka dhibay.

Waxa uu xusay ninkan in uu kamid yahay dadka ka shaqeeya amniga xaafada uu degan yahay, waxa uuna xusay in aysan jirin cid uu dilay ama uu dhaawacay, waxa uuna sheegay in waalidiinta xaafada ka codsadeen in ciyaalka weerarada ka canaanto.

“Aniga waxaan ahay ninkii baraha bulshada la soo dhigay xabaddana ridayey marka waxa ay ahaayeen ciyaal yar yar ah oo ciyaal weero ah, marka xaafaddaan daganaay aniga waxaan ahay nin amniga wax ka qaabilsan oo la ogyahay sidaas ayaan ciyaalkaas meesha ugu qabtay, waxaan caddeynayaa inaan cid dilin, cidna dhaawicin” ayuu yiri Axmed Xasan.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in muuqaalka ninkan laga duubay ee baraha bulshada lagu baahiyay farsamo lagu daray, waxa uuna xusay in ninkan ciidamada soo qabteen uusan dil iyo dhaawac toona uusan geysay.

Muuqaalka ninkan laga duubay ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada, waxaana inta badan dadkii daawaday u qaateen in ninkan dhallinyarada ah uu dilay ama dhaawacay wiil dhallinyaro ah uu gacanta kusoo dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -