Maxkamad maanta lasoo taagay Siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xireen Ciidamada Puntland

Waxaa maanta maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida maamulka Puntland lasoo taagay siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xabsiga dhigeen ciidamada amaanka maamulka Puntland.

Siyaasiga iyo Odayaasha maanta maxkamada kasoo muuqday ayaa lagu eedeeyay kicin dadweyne kadib markii si adag uga soo horjeesteen heshiiska Imaaraadka kula wareegay Dekadda magaalada Boosaaso.

Dhageysiga Dacwadaha loo heestay Siyaashgiga iyo odayaasha la xiran kadib ayaa maxkamada sheegtay in mar kale la isugu soo laaban doono isbuuca dambe dhageysiga kiiskan loo heesto waxgaradka.

Xubnaha maanta lasoo taagay Maxkamada ayaa kala ahaa Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -