Qaar kamid ah Dadkii lagu la’aa Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye oo la helay

Qoysas badan ayaa baadi goob xoogan ugu jiray labadii maalin ee laoo dhaafay xubno eheladooda kamid ahaa oo la waayay maalintii sabtida ee qaraxa ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qoysaska eheladooda maqnaayeen ayaa helay dadkooda oo dhintay kuwa dhaawacmay iyo sidoo kale kuwa caafimaad qaba, waxaa sidoo kale jira qoysas wali dad ka maqan yihiin kuwaa oo baadi goob wali ku jira.

Guddiga gurmadka Qaran ee uruurinaya xogaha dadkii ku dhintay qaraxa kuwii ku dhaawcamay iyo waliba ku wali nolol iyo geeri laheyn ayaa ka war bixiyay tirada ilaa hada dadka maqan ee baadi goobka loogu jiro.

Waxa ay sheegeen guddiga in markii hore la la’aa nolol iyo geeri 4-qof balse saacadihii ugu dambeeyay la helay 12-qof oo kamid ahaa dadka la la’aa , waxaana dadka la helay isugu jiraan kuwa nool ,kuwa dhaawac ah iyo kuwa dhintay.

Guddiga gurmadka Qaranka oo Warbixin kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in dadka la helay ay ku jiraan lix qof oo caafimaad qaba, hal qof oo dhaawac ah iyo sidoo kale shan ruux oo geeriyootay

Waxa ay wali guddiga wadaan baadi goobka loogu jiro dadka wali eheladooda la yihiin, waxa ayna xubno katirsan guddiga sheegeen in Isbitaalka Madiina yaalaan meydad aan wali ehelkooda la heyn kuwaa ay ku jiraan kuwa ay adag tahay in la aqoonsado.

Qaraxii ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye waxaa ku dhintay dad ku dhaw 100-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 130-qof, waxaana dadka dhaawacyada qaba qaarkood yihiin kuwa xaalad adag ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -