Raisul Wasaare caan ah oo la ganaaxay markii uu ku xad gudbay xayiraada COVID-19

Booliska dalka Ingiriiska ayaa ganaaxay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, iyo wasiirkiisa Maaliyadda Rishi Sunak, kadib markii lagu helay inay jabiyeen xayiraadaha covid-19.

Waxaa socda baaritaanka 12 xafladood oo ka dhacay xafiisyada dowladda xilligii ay jireen xayiraadaha fayriska karona oo ay mabnuuc ahayd in la isku yimaado.

Saddex munaasabadood ayuu ka qayb galay ra’iisul wasaare Johnson. Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee mucaaradka ah Keir Starmer, ayaa ugu baaqay Boris inuu iska casilo xilka.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare Boris Johnson iyo wasiirka maaliyadduba ay sharciga jabiyeen isla markaana ay marar badan been sheegeen. Xaaska Boris Johnson oo lagu magacaabo Carrie, ayaa Iyana la ganaaxi doonaa sida Boolisku sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -