Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad shacabkeeda ka mamnuucday Facebook & sababta ka dambeysa

Militariga la wareegay dalka Myanmar ayaa shacabka dalkaas ka mamnuucay adeegsiga aalada Facebook kadib maalmo markii ay afgembi kula wareegeen dalkaasi.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dadka wadankaas qaarkood ay bilaabeen iney facebook ku wadaagaan fariimo iyo abaabul ka dhan ah milateriga xukunka la wareegay.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya in adeegsida baraha bulshada ay qayb ka tahay xasilooni darada dalkaasi ka taagan waqti xaadirkan.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta dalkaas ayaa sheegtay in xayiraada lagu soo rogay shirkadda facebook ay socon doonto illaa iyo 7’da bishan Febaraayo.

Facebook ayaa ah kan loogu isticmaal badan yahay gudaha wadanka Myanmar iyadoo 53 milyan oo ah kala bar dadka wadankaasi ku dhaqan ay isticmaalaan bartan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoojinta Nabadgelyada goobaha doorashooyinka loo asteeyay oo laga wada hadlay

Cabdi Cade

Mareykanka oo hub ku kacaya $5 bilyan ka iibinaya labo Dowlad oo Carbeed

Cabdi Cade

Iran oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Israel & xaalada oo sii cakirmeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---