Soomaaliya waxay u baahan tahay Unitary System laakiin uma baahna Federal System

Marka hore shacabka Soomaaliyeed meelkaste ay jooggan waxan leeyahay Al Sallaamu Calaykum, Sallaan ka dib waxan halkaan idin kaaga soo gudbinaya Talo wanaagsan oo an doonayo in Shacbiga Soomaaliyeed ila fahmaan.
Sida aad ka war heysan Shacabka Soomaaliyeed waa Dad isku mid ah oo leh hal Diin oo ah Diinta Islaamka iyo Hal luqad oo ah Luqadda Soomaaliga, waana dad isku midab ah, sidaas darteed waxaa hadda la doonaya in dadka Soomaalida lugu qasbo Nidaam aysan wax aqoon ah u lehayn kaas oo la doonaya in lugu kala qeybiyo ayadoo dano gaar ah laga leeyahay, Nidaamkaas oo ah FEDERAL SYSTEM
Waxa Nasiib daro ah in shacbiga Soomaaliyeed ayadoon wax Afti ama Cod ah la weydiin lugu qasbay in ay Qaatan  FEDERAL SYSTEM, waa nasiib daro aad u xun in Qar kamid ah Hoggaamiyasha Soomaalida ay doonayaan in Shacbiga ku qasbaan nidaam kaas cunsuriga ah, aniga Shaqsi ahaan waxaan ka soo horjeeda nidaamka Federaalka.
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay 100%: UNITARY SYSTEM laakiin uma baahna FEDERAL SYSTEM, haddaba waa maxay  UNITARY SYSTEM?  : Waa dowlad laga maamulo hal unug oo dowladda dhexe ay ugu sarreeyso qeyb kasta oo maamul ahna ay adeegsato awoodaha ay doowlada dhexe dooratay inay wakiilka u noqoto. Inta ugu badan dowladaha adduunka waxay leeyihiin nidaam dowladeed oo midaysan : Luqada English ahaan waxay noqoneysa ayadoo qeexan:
UNITARY SYSTEM:  A unitary state is a state governed as one single unit in which the central government is supreme and any administrative divisions exercise only powers that their central government chooses to delegate. The great majority of states in the world have a unitary system of government.
Mahad sanadiin,
Yusuf Mohammed Sheikh
Email: yusufmsh2020@gmail.com
Nairobi Kenya
- Advertisement -