Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Sweden oo Somaliland ka hirgalineysa mashruuc aan faa’iido doon ahayn (Daawo Sawirro)

Safiirka dowladda Swedan u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas von Uexküll oo muddo ku dhaw Todobaad ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa ka qeyb galay  Munaasabado kala duwan oo Maamulka Somaliland soo agaasimay.

Ambassador Andreas von Uexküll ayaa waxa uu sheegay in uu lacago deymin doono maamulka Somaliland isagoo xusay in uu hergelin doono mashruuc aan faa’iido doon ahayn ee loo yaqaano Shuraako kuwaa oo lala galayo Bankiyada Maamulka Somaliland ee gaarka loo leeyahay.

Safiirka oo kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa ay ka wada hadleen wada shaqeyn dhaw oo ay yeeshaan labada dhinac ee Swedan iyo Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah ee dhexmaray Safiirka Swedan ee Soomaaliya  Andreas von Uexküll Iyo Madaxweynaha Somaliland  ayaa lagu gorfeeyay xiriir dhaw oo labada dhinac ka yeeshaan dhanka Nabad galyada, dib u heshii siinta, kobaca dhaqaalaha IWM.

24-tii March 2015 –kii Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  cambaareysay faragelin la sheegay in dowladda Sweden ku heyso arrimaha gudaha boqortooyada Sacuudi Carabiya.

W/D: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

abdiazizh99@gma​il.com  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Khasaaro geestay oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xog Muhiim ah oo ku saabsan Sharciyada Shaqo ee Ajaaniibta Soomaaliya joogta

Cabdi Cade

Hoggaamiye Afrikan ah oo isku dayay Af-gembi iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---