Wasiir katirsan Xukuumada oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka (Daawo Sawirada)

Kaddib shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Prof Saalim Caliyoow Ibroow oo ah mudane ka tirsan barlamaanka Soomaaliya sidoo kalena ah wasiirka tamarta iyo biyaha ayaa waxa uu shaaciyay inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyaha gollaha shacabka Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/4/2018, waxaan rabbaa ummada Soomaaliyeed iyo xildhibaanadda inaan u sheegay inaan ahay musharrax u taagan xilka guddoomiyaha gollaha Shacabka, anigoo aaminsan inaan leeyahay qibrad, waayo-aragnimo iyo howlkarnimo aan uga soo bixi karo howshaan, waxaan kale oo aan aaminsanahay inaan xoojin karo waddo-shaqeynta gollaha sharci-dajinta iyo fullinta.” Prof Saalim Caliyoow Ibroow ayaa warkan ka sheegay shirkii jaraa’id ee uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxa kale uu intaa ku daray: “Waxaan soo qabtay jagooyin kala duwan xilligii dowladdaha kumeel gaarka ilaa iminka, soddon sanno ilaa iyo afartan sanno ayaan ku jiray howlaha dowladda, waxaan wasiir ahaa xilligii Cali Mahdi, waxaan isku heystaa qofka meesha uu howsha dhiggay Jawaari ka waddi karo.”

Dhawaan ayaa xilka guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waxaa banneeyay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaanna la qorsheynayaa in xildhibaanadda gollaha shacabka ay soo dortaan guddoomiye cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -