Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada

Madaxweynaha Puntland Mudane Sicidii Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Xubnaha guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Puntland ayaa ka kooban ilaa sideed xubnood, waxaana guddigan guddoomiye looga dhigay Isxaaq Axmed Xasan .

Halkan ka Akhriso Wareegtada madaxweyne Deni uu soo saaray
Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaad oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Xildhibaano badan oo hada ku sugan Xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamo badan oo…

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo qabsaday degaan hoos taga Cadaado

Caydiid Ali

Faah Faahin “Labo qarax oo isxigay oo ka dhacay degmada Dayniile iyo Al-Shabaab kii la wareegay saldhigga Deynuunaay !!

admin