Xaalad Qatar ah oo soo wajahday Ilhan Cumar iyo Madaxweyne Trump oo sabab u ah

Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka, ayaa sheegtay in ay kordheen hanjabaadaha dilka ah ee loo soo dirayo.

Ilhan waxay sheegtay in dhanbaallada xambaarsan hanjabaadda dilka ah ee iyada ka dhanka ah ay soo bateen, wixii ka danbeeyay marki uu madaxweyne Donald Trump uu faafiyay muuqaal liddi ku ahaa, hadal ay Ilhan ka bixisay weerarki argagixiso ee Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001.

Hadalka uu madaxweyne Trump iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ku cambaareeyeen Ilhan ayaa ahaa mid ay kala soo dhax baxeen khudbad ay Ilhan Cumar ka jeedisay Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka bishii aanu kasoo gudubnay.

Khudbaddaasi waxay Ilhan xoogga ku saartay cunsuriyadda dadka Muslimka ahi ay kala kulmaan gudaha Mareykanka.

Waxay tiri “Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) waxaa la aas-aasay weerarki September 11 kaddib, sababtoo ah waxay aqoonsadeen in dadka qaar ay wax sameeyeen, taasoo keentay in dhammaanteen aan weyno xorriyaddeenii madaninimo. Muddo dheer innagoo aanan ku faraxsaneyn ayaanu waddankaan ugu nooleyn sida inaan nahay muwaadiniinta darajada labaad, taasoo runtii aniga iyo qof kasta oo Muslim ah oo waddankaan dagan uu ka daalay.”

Trump ayaa hadalkaasi ay Ilhan jeedisay kasoo qaatay weedha ah “Dadka qaar ayaa wax sameeyay” kaddibna raaciyay muuqaalladi laga duubay dhacdadi weerarki September 11, 2001, kaasoo uu la socday codka Ilhan oo soo noqnoqanaya “Dadka qaar ayaa wax sameeyay.”

Bayaan ay Axaddii shalay soo saartay, ayay Ilhan Cumar ku sheegtay in kuwa usoo hanjabaya ay si toos ah u tixraaceen muuqaalka uu baahiyay madaxweyne Trump.

Waxaa kale oo ay bayaankeeda ku sheegtay in kor-u-kaceen rabshadaha iyo naceybka ay faafinayaan kooxaha garabka midig ee mintidka ah gudaha Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.

Waxay tiri iskama indha-tiri-karno in uu dhiirrigelinayo Trump.”

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa beenisay in madaxweyne Trump uu kicinayo rabshado ka dhanka dadka Muslimiinta ah.

Dahnka kale, Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi ayaa ku tilmaantay muuqaalka uu faafiyay madaxweyne Trump ee ka dhanka ah Ilhan, mid ixtiraamdarro iyo khatar ah, isla markaana mudan in la tiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -