Ciidamada dowlada oo galabta dagaal kula wareegay degaan ka tirsan galbeedka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawisley ayaa galabta weeraray degaan lagu magacaabo Buq-Goosaar oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, halkaasoo ay gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa waxaa la isku adeegsaday hub kala duwan, waxaana lagu dilay dagaalkaas 13 ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ciidan iyo dadka degaanka.

Deegaanka Buq-Goosaar ayaa dagaalkaas ka dib waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xoogagga degaanka sida ay baahisay Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in meydadka 10 dagaalyahan iyo shan qori oo Ak-47 ah ay Al-Shabaab goobta uga carareen.

Weerarkii galabta ayaa la sheegay inuu bilow u yahay Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab galbeedka gobolka Hiiraan oo haatan ku fidaya galbeedka gobolka Hiiraan, iyadoo inta badan degaanada bari ka xiga webiga Shabelle laga saaray Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -