Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerar ay ku qaadeen xero kutaala Kenya iyo gaadiid …

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar habeen dheelmad ah ku qaaday xero kutaala duleedka degmada Mandheera halkaas ay joogeen ciidamo katirsan milatariga Kenya iyo shaqaale dowladeed.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal mudo kooban socday kadib kula wareegeen xeradii ay weerarka ku qaadeen kadib markii halkaasi isaga carareen ciidamada Kenyanka ahaa ee joogay.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen xero kutaal duleedka degmada Mandheera ee gobolka NFD waxaa ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta xerada iyo dhammaan wixii yaallay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in xerada ku dhax gubeen afar gaari oo nuuca cagaf cagafta ah iyo matooro ay sheegtay in ay laheyd shirkad dowlada Kenya u qaabilsan dhismaha darbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalyahanada Al Shaaab ayaa marar badan weeraro xoogan ka fuliyay gudaha dalka Kenya, Ciidamada Kenya ayeyna ku adkaatay in ay kahor tagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -