Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qaraxii Gaalkacyo iyo maamulka Puntland oo…

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray meel ku dhaw Hotel ay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ka degnaayeen taliyaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu weeraray saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi khasaaro uu kasoo gaaray ciidankii lagu weeraray.

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee lagu weeraray hotelka uu degnaa taliyaha ciidanka lugta ee milatariga Soomaaliya .

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhamancad ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxa uuna caafimaad u rajeeyay dadkii qaraxaasi ku dhaawacmay.

Qaraxa xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan, waxaana qaraxa ka badbaaday saraakiishii la doonayay in lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -