Khilaaf ka taagan qaabka loo soo xulayo Xubnaha Ahlu Sunna laga siiyay Baarlamaanka Galmudug

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana inta badan la xareeyay Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa ka kooban 89-Xildhibaan, waxaana 20-kamid ah la siiyay Kooxda Ahlu Sunna halka 69-ka Xildhibaan kalana ay soo xuli doonaan Odayaasha Dhaqanka ee matalaya beelaha 11-ka ah ee dega Galmudug.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa dhinacyada ku mideesan waxa ay kasoo jeedaan qaar kamid ah beelaha dega Galmudug, waxaana jira beelo wax ku leh Baarlamaanka Galmudug sidoo kale aan qeyb ka aheyn kooxda Ahlu Sunna.

Hogaanka Kooxda Ahlu Sunna iyo qeybaha kale ee kooxdaasi ka kooban tahay ayaa u badan hal beel oo kamid ah beelaha dega Galmudug, waxaa sidoo kale jira beelo yar oo dad ugu jiraan Ahlu Sunna inkastoo aysan aheyn kuwa badan ama saameyn ku dhax leh kooxdaasi.

Beelaha iyo jufooyinka qaar ayaa ka biyo diidan in xubnaha uga soo aadaya Baarlamaanka Galmudug wax laga siiyo Ahlu Sunna, waxa ayna beelaha qaar ku doodayaan in aysan qeyb ka aheyn kooxdaasi halka kuwa kalana ay sheegeen in qofka ay rabaan iyagu keensanayaan.

Odayaasha saxiixayaasha beelaha qaar ayaa lagu qasbayaa in qaar kamid ah xubnaha beeshooda ay ka imaan doonaan kooxda Ahlu Sunna ayna wax talo iyo tusaaleynba ku laheyn cida ay kooxdaasi ka dhiganeyso Xildhibaanada beeshooda ku leedahay Galmudug.

Khilaafka ka taagan qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada Ahlu Sunna laga siiyay Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in dib u dhac u keento ku dhawaaqista liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

 

- Advertisement -