Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jilaagii Guursaday Gabadha Soomaaliyeed oo la siiyay Dhalashada dal Afrika kuyaala  

Jilaaga caanka ah ee horey u heestay dhalashada dalka Britain Idris Elba ayaa la siiyay dhalashada dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Sierra Leone, kadib booqashadii ugu horeesay uu dalkaasi ku tagay .

Idris Elba oo ay wehliso xaaskiisa oo ah gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saabiriin Dhoore ayaa markii ugu horeesay booqasho ku tagay dalka uu aabihiis kasoo jeedo ee Sierra Leone, waxa uuna sheegay jilaagan in uu ku faraxsan yahay in uu tago dalkaasi.

Jilaaga oo wax laga weediiyay dhalashada cusub ee laga siiyay dalka Sierra Leone, ayuu sheegay in uu ku faraxsan yahay, waxa uuna tilmaamay in sharaf aad u weyn u tahay dhalashadan lagu sharfay.

“in dhalasho la iga siiyo waddankeyga waxay ii tahay sharaftii ugu weyneyd ee aan heli karay, ma ihi nin ku cusub Afrika: Waan imaan jiray Afrika, guulo ayaan u horseeday Afrika, laakiin Sierra Leone waa waddan dareen gaar ah igu leh oo ay waalidiinteyda kasoo jeedaan”, ayuu yiri. Idris Elba.

Jilaagan ku caan baxay musal salka “The Avengers”  ayaa sheegay in uu qorsheenayo in marar badan safar ku tago qaarada Afrika kuna sameeyo maalgashi dhinaca dhinaca Dalxiiska ah.

Jilaagan Caanka ah ayaa waxaa iska dhalay Hooyo kasoo jeeda dalka Ghana iyo Aabe u dhashay dalka Sierra Leone, waxaana jilaagan ku dhashay magaalada London bishii September ee sanadkii 1972-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka K/Afrika

Caydiid Ali

Deni iyo Diyaano oo loogu baaqay in si deg deg ah dagaalka Boosaaso u joojiyaan

Cabdi Cade

Deeq ka timid Madaxweyne caan ah oo laga qeybiyey gobolka Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali