Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Siciid Deni oo Odayaasha gobolka Bari ku casuumay Deegaanka Jibigalle

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka  Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is- xogwareysiga, waxayna sheegeen in marwalba ay dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo ceyrineysa shaqaale badan & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Guddi uu Magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre oo Baaq u diray Madaxda Maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Magaalo Barakeesan oo loo aqoonsaday mida ugu caafimaadka fiican Dunida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---